Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ee Koonfur dalka Soomaliya ayaa ku waramaya in diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ay duqeeyeen Saqdii Dhexe ee Xalay Saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin tuuladda Ragud oo u dhow Deegaanka Ceel-cadde.
Ilo lagu kalsoonan karo ayaa xaqiijiyay in dhowr gantaal oo laga tuuray Diyaaradaha Dagaalka Dowladdda Kenya in ay ku dhaceen Saldhiga Al-shabab ay ku leeyihiin tuuladda Ragud oo u dhow Deegaanka Ceel-cadde Gobolka Gedo ee Koonfur dalka Soomaliya.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga qasaaraha ka dhashay duqeynta lala beegsaday Saldhiga Al-shabaab ay ku leeyihiin Deegaanka ceel-cadde ee Gobolka Gedo.
Dowladda Kenya ayaa Mudooyinkii ugu dambeeyay kordhisay dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, waxayna Todobaadkii hore ay sheegtay in weerar qorshaysan lagu dilay 15-askari oo ka Tirsana Al-shabaab.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Wararka Puntland Post