Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Xilalkii ka qaaday Saraakiil Boolis ah

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen.C/xakiin Daahir Saciid Saacid ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu isbadal iyo xil ka qaadis uu ugu sameeyey Xubno ka mid ah hoggaanka Taliska Boliska Gobolka Banaadir.

Taliye Saacid ayaa waxaa uu xubnaha qaar uu ku sameeyey xil ka qaadis halka qaarkoodna uu xilal u kala wareejiyey,waxaana sidoo kale uu taliyuhu magacaabay xubno cusub oo aan horay xilal u haynin.

Xubnha xilka laga qaaday ee aan xilka loo dhiibin ayaa waxaa ka mid ah Gen.Bishaar Abshir Geeddi oo horay u ahaa Taliyaha ciidanka Booliska Gobolka Banaadir,waxaana xilkaas loo magacaabay Gen.Maalin oo mar xilkan horay usoo qabtay,Sidoo Kale Xilkii uu hayey Maalin ayaa loo dhiibay Gen.Madaale oo isna ka mid ah Masuuliyiinta Xilalka loo magacaabay ee Booliska  Gobolka Banaadir.

Tan iyo Markii uu xilka la wareegay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa isasoo taraya xubnaha iyo masuuliyiinta xilalka laga qaadayo,waxaana horraan Madaxweynaha Soomaaliya uu halmar isbadal uu ku sameeyey guud ahaan laamaha Ammaanka dalka iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho