Wasiirka W.Warfaafinta Soomaaliya Eng Yariisoow Ayaa shaqo ka fariisin ku sameeyay Agaasimaha Guud ee wasaarada Warfaafinta Cabdirisaaq Bahlaawi.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa shaqadii ka joojiyay agaasimaha Maamulka Maaliyadda ee wasaarada Warfaafinta sabab la xiriirta Eedayn Musuqmaasuq.
Wasiirka ayaa si KMG ah Shaqada agaasimaha Guud ee wasaarada warfaafinta ugu wareejiyay Cabdiraxmaan Alcadaala.
Sidoo kale waxa uu xil ka qaadis iyo isku badal ku sameeyay Agaasimayaasha Tv-ga Dowlada iyo Radio Muqdisho.

Agaasimaha Tv-ga Qaranka waxa uu Wasiir Yariisoow ka dhigay Liibaan Cabdi Cali .
Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Qorsheeynta Naasir Xasan Xusayn.
Agaasimaha Radio Muqdisho waxa uu u magacaabay Cabdifitaax Daahir Jeyte.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho