Madaxweyne Farmaajo oo u Safraya Dubai

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta ku wajahan Dalka isku taga imaaraadka Carabta

Wasiirka arrimaha Dibada Xukuumadda Federaalka Soomaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo la taliye Madaxweynaha  Balal Cusmaan ayaa la sheegay inay ka sii hormareen Wafdiga Madaxweynaha, si ay horu-dhac ugu noqdaan safarka.

Socdaalka Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo ayaa noqon doonta kii ugu horeeyay ee Madaxweyne Farmaajo ku tago dalka Imaaraadka, tan iyo markii la doorto, sidoo kale waa booqashadii afaraad ee uu dalka uga ambabaxo muddo lixdan cisho ah oo uu xilka haayo.

Dowladda Imaaraadka carabta iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ka dhex jiray xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhalatay saldhiga Imaaraadka ka dhisanayaan magaalada Berbera  taasoo dowladdu Faramaajo aad uga soo horjeesatay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Boqortooyada Sacuudiga uu ka shaqeeyay isu soo dhowaanshaha Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo Imaaraadka Carabta, kaddib markii uu horay Madaxweynuhu uu ka dalbaday in Sacuudiga ku taageero in Imaaraadka uu joojiyo saldhigga.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho