Dowlada dalka Germany ayaa ku eedeysay muwaadin Soomaaliyeed oo magan galyo doon ah in dil u geystay haweeney da’aheyd oo 59 jir ah.
Muwaadinkan Soomaaliyeed ee aan lamagacaabin ayaa da’diisa lagu sheegay 18 jir isago la sheegay in markii uu dilka geysanayay uu u soo dhacay guriga isagoo kadib dilka markuu geystay ka baxsaday dariishadda .
Ciidamada Booliska ayaa Xabsiga dhigay ninkaasi, kaasi oo la weeydiinayo Sababta uu u dilay haweeneeydaasi booliskana war rasmi ah kama bixin arintaasi.
Waxaa soo badanaya dilalka muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u geeysanayaan Muwaadiniinta wadamada ay joogaan dadka Soomaaliyeed.
Xasan Maxamed Smaatar Cowke
Wararka Puntland Post