Al-Shabaab oo sii daayay Shaqaale u shaqeeynayay WHO

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in Al-shabaab ay sii deysay 4-shaqaalo oo u  shaqeynayay Hay’adda Caafimaadka aduunka ee (WHO) oo shalay ay ka afduubteen Degmada Luuq ee Gobolkaas.

Taliyaha Booliska Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo Shukri C/laahi Xuseen ayaa  goordhaweyd sheegay in Al-shabaab ay sii daayeen 4-ta shaqaalo oo u shaqeynayay Hay’adda WHO.

Waxa uu sheegay in odoyaasha Degmada luuq ee Gobolka Gedo ay arinta galeen, ugu dambeyntii ay ogaalaadeen sii deynta shaqaalaha oo kaliyah balse ay reebteen gaari ay wateen markii la afduubnayay shaqaalaha.

Taliyaha Booliska Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo waxa uu sheegay in gaariga ay u reebteen in ay ku dagaal galaan islamarkaana shuruudaha lagu sii daayay shaqaalaha ay kamid yihiin bixinta hub ay Al-shabaab ku dagalamaan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Wararka Puntland Post