Dab Xoogan oo Goordhow ka kacay Suuqa Labaad ee ugu Weeyn Soomaaliya

Warar haatan naga soo gaaraya Degmada yaaqshid ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in dab xoogan oo goordhaweyd ka kacay suuqa labaad Soomaaliya ugu weeyn Ee Suuq Bacaad.

Dabka ayaa la sheegay in uu yahay mid xoogan, islamarkaana uu ka kacay qeybta caanaha ee Gudaha suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.

Waxaa goobta dabka uu ka kacay gaaray Gaadiidka dab damiska ee Dowladda Hoose, waxaa haatan socda dadaalo la doonayo in lagu damiyo dabka, si uusan ugu faafin qeybo kale oo suuqa ku yaala.

Dhowaan ayeey aheyd Dhowr jeer markii uu dab ka kacay suuqa ugu weeyn Soomaaliya ee Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho