Al-shaabab ayaa saakay aroortii weerar gaadmo ahaa waxa ay ku qaadeen Bar Koontarool oo ay kaga sugnaayeen ciidamada Dowlada federaalka Soomaaliya magaalada B/weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Wariye C/qaadir Nadaara oo ku sugan Baledweyne ayaa kusoo waramaya in saakay subaxii hore la maqlay rasaas xoogan iyo hubka culus islamarkaana weerarka uu ka dhacay Kontorool ay Ciidamada Dowladda Soomaliya lacago canshuur ah ay ku qaadayeen.
Waxa uu sheegay in Ciidamada Al-shabaab diiqado kadib ay u suurta gashay in ay la wareegaan kontoroolkii ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya ee ku yaala duleedka Magaalada Beledweyne.
Ilaaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka magaalada Beledweyne ee Gobolka.
PUNTLAND POST