Micheal Keating oo Amaanay Wasiirada cusub ee Soomaaliya

Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michel keating oo ka’hadlay ansixinta baarlamaanka soomaaliya oo meel mariyay golaha wasiiradda ayaa ugu baaqay in si waxqabad ah oo looga talaabayo dhibaatooyinka daashaday gudaha dalka soomaaliya in ay qaadaan.

Denjire Michael Keating ayaa intaa ku daray in wasiiradda cusub ee soomaaliya ay yihiin kuwo qibrad iyo aqoon durugsan u leh siyaasadda Soomaliya oo waxbadanna ku dhex jiray.

Waxaana codsiinta baarlamaanka uu ku sheegay in ay tahay mid looga gudbayo abaaraha kajira dalka soomaaliya,amaanka xumid iyo musuq maasuqa Xukuumadihii hore ee Soomaaliya gilaaftay.

Denjiraha qaramada midoobay u qaabilsan soomaaliya ayaa ku amaanay xasan cali kheyre Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya doorka uu haweenka soomaaliyeed ka siiyay golaha wasiiradda ee uu soo dhisay,Isagoo ku tilmaamay in ay tahay talaabo horay loo qaaday.

Sidoo kale Denjiraha qaramada midoobay u qaabilsan soomaaliya ayaa sheegay in ay la shaqeyn doonaan Xukuumadda Cusub ee Soomaliya.

Ugu dambeyntii Xasan Cali Kheyre ayuu sheegay in uu hoosta ka xariiqay ciribtiridda faqiirnimada dhisidda laamaha amaanka dib u habeynta dastuurka si loo gaaro hal qof iyo hal cod sanadka 2020-ka.

PUNTLAND POST