Khaatumo iyo Soomaliand oo heshiis ku Gaaray Djabouti

PP (Djabouti) Wararka naga soo gaaraya Magaalada Djabouti ee caasimada Jabouti ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay Maanta heshiis ku kala saxiixdeen Maamulada Khaatumo iyo Soomaaliand.

Go’aanada Ay labada dhinac wada Gaadheen ayaa waxay u Qornaayeen Sidan.

1- Waxaa la isla qaatay in si sugan looga wada Shaqeeyo Arinta Nabadaynta, ee u dhaxaysa Beelaha Walaalaha ah ee ( Bahar-same iyo Qayaad ) Si Buuxdana loo taageero oo la Garab istaago Gudiga Nabadaynta ee Howshaa Gacanta ku haya.
A- Wixii in wixii Faro-gelin ah Gudaha iyo Debedaba ee wax yeelayn Kara Nabadaynta Labaasi Beelood meel looga soo Wada jeesto.

2-Waxaa si Buuxda la iskula Qaatay In howlaha Abaaraha iyo Horumarinta Deegaanadaasi la iska Kaashado si wada Jir ah.

3– Waxaanu Si wada Jir ah ugu Baaqaynaa in Hay’adaha Caalamiga ah iyo Kuwa Maxaliga ahba inay Howlgalaan Dhamaan Gobolada iyo degmooyinka aanay Hore u tagi Jirin, Halkaasi oo imika ayna wax Nabad-gelyo Daro ah ka Jirin, Loona sameeyo Gudi wada Jir ah.

4- Waxaa la iska gartay in maamul daadejintu aasaas u tahay Nabad ku wada Noolaanshaha iyo Kobcinta Awooda Bulshada, Sidaas Darteed waa in la gaadhsiiyo oo laga Abuuro Maamul iyo adeega Bulshada meelaha Aanay hore uga Jirin, Hay’adaha Samafalkuna ay doorkooda ka qaataan.

5- In meel looga soo wada jeesto wax kasta oo Caqabad ku Noqon kara Hanaanka Wada-hadalka Labada dhinac.

6- In wixii dhiig iyo Dhaqan ku saaabsan lala Kaashado Odayaasha dhaqanka si wada Jir ah.

7- Waxaa la isla qaatay in gudiga Farsamadu soo diyaariyo Shirka Danbe, Soona Cayimo Goorta iyo Goobta Sida ugu dhakhsaha Badan.

8- Waxaa la isla qaatay in yoolka Wada-hadalka uu Saldhig u yahay Is-aamid, Wada-shaqayn, Nabadgelyo Iyo Horumar dhankastaba ah.

Waxaa Saxiisay :

Gudoomiyaha Wafdiga khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar.

Gudoomiyaha Wafdiga Somaliland Maxamed Mixile Boqore

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Xafiiska Wararka Puntland Post