Diyaaradaha ka baxa Garoonka Muqdisho oo si toos ah Nairobi u caga dhiganaya Saaka

Waxaa saakay si rasmi ah u dhaqan galay heshiiskii ay kala saxiixdeen Dowladaha Soomaliya iyo Kenya, kaasi oo ku adanaa in duulimaadyadda ka baxa Magaalada Muqdisho in ay si toos ah u tagaan Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport ee magaalada Nairobi.

Saakay ayaa la xaqiijiyay in si toos ah ay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde ay diyaaradaha kaga baxayaan islamarkaana ay ka dagayaan Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport, iyadoo aysan marin garoonka diyaaradaha degmada Wajeer oo baaritaano lagu marin jirey Diyaaradaha rakaabka ka qaada Soomalida.

Qodobada ay Labada Madaxweyne Kala saxiixdeen waxaa kamid ahaa :-

In 2 toddobaad gudohood lagu soo afjaro hakadkii amni (security transit) ee Wajeer ay kusoo mari jireen duullimaadyada ka yimaadda Soomaaliya, halkaas oo ay silic iyo saxariir badan kala kulmi jireen shacabka. Hadda kaddib, duullimaadyada ka yimaadda Muqdisho waxay toos ugu dagi donaan Nairobi.

In muddo bil gudaheed ah laba bar ama marin soohdimeed laga sameeyo Beled-Xaawo/Mandheera iyo Dhoobleey/Libooy, halkaasna ay isaga gooshaan dadka iyo dunyada. Waxaana halkaas ku baxaya darbigii la sheegi jiray, waxaana si xowli ah isugu furmaya ganacsiga.

In laga billaabo maanta dadka haysta baasaboorrada diblomaasiga ah iyo kuwa adeegga (service) ay dal-ku-galkooda (visa) ka qaadan doonaan gegiyada dayuurdaha labada dal.

In arrimaha qaxootiga looga shaqeeyo hannaankii saddex geesoodka ahaa ee ay hore ugu heshiiyeen Kenya iyo Soomaaliya iyo Hey’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

In Kenya ay 200 oo macallin, 200 oo kalkaaliso caafimaad iyo 100 maamulayaal sare oo dowladeed ay si bilaash ah ugu tababareyso Soomaaliya.

In dib loo soo nooleeyo Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga (JCC) halkaasna ay labada dowladood uga shaqeeyaan dhammaan howlaha ka dhaxeeya.

Talaabaaan waxaa soo dhaweeyay Bulshada Soomaliyeed.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho