Roobab Caawa Ka Da’aya Qaar kamid ah Gobolada Dalka Soomaaliya

Xili Abaaro ba’an oo loo bixiyay Abaartii Sima ay ka jirto dalka Soomaaliya islamar kaasina magacaasi Sima loogu bixiyay kadib markii Abaartaan ay Sintay dhamana Gobolada Dalka Soomaaliya.

Roobab ayaa caawa ka Da’aya qaar kamid ah Gobolada Dalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin meelihii sida weeyn ay Abaarta uga jirtay.

Qeeybo kamid ah Roobka ayaa ka da’aya Caawa Gobolada Baay, Bakool, Sh/hoose , Sh/Dhexe iyo Gobolka Galgaduud.

Meelaha uu Roobka ka da’ayo waxaa kamid ah  Degmada Mahadaay iyo Deegaanada hoostaga oo ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe.

Magaalada Baydhabo oo ka tirsan Gobolka Baay iyo Deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Bakool ee Koonfurta Dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wararka Caawa Cadaado ka imaanaya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu Xoogaa roob ah ka da’ay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho