Dowlada Soomaaliya oo Dalka Ka Masaafurisay Ajaaniib

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya ayaa maanta dalka ka masaafurisay labo nin oo Kenyan ah oo dalka sharci daro ku joogay kuna shaqeysanayay.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdalka iyo Jinsiyadda Qeybta Dabagalka ayaa gacanta ku soo dhigay labadan nin waxana manta dib loogu celiyay Dalka Kenya.

Hay’adda ayaa labadan nin ka mamnuucday in mar dambe ay dib ugu soo laban karin waxaana dhaman waxyaha Hay’adda lagu wargaliyay in ay ka foojignadan cid kasta oo dalka sharci rao ku joogta.

Hoos Ka Daawo Sawirada

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho