Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya xalay laga maqlay dhowr Madaafiic oo ku dhaceyso qeeybo kamid ah Muqdisho.
Madaafiicdaan ayaa waxa ay ku dhaceen qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir waxaana kamid ah Degmada Wadajir gaar ahaan meelo ku dhow Garoonka Magaalada Muqdisho.
In ka badan 3 Madaafiic oo ah nooca Hoobiyaha loo yaqaano ayaa ku hoobanayay Xaafadaha Degmada Wadajir ee Muqdisho.
Dhawaqa Madaafiicda ayaa laga maqlay sidoo kale degmooyinka Gobolka Banaadir ee Caasimada Soomaaliya.
Ciidamada Amaanka ayaa iyana bilaabay howlgalo ay ku baadigoobayaan halka laga soo tuuray madaafiicdaasi.
Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca falal isugu jiro qaraxyo Dilal iyo Madaafiic mararka qaar lagu gaaraco qeeybo kamid ah Muqdisho oo dad rayid ah ay ku waxyeeloobaan.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho