Wararka ka imaanaya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in nin la sheegay in Madax loogu jiray uu gorwacay xaaskiisa oo u haysay Todobo Caruur.
Maxamed Xaaji Cabdi Siyaad oo ah aabaha falkaan geystay ayaa la sheegay in uu gowracay xaaskisa oo lagu magacaabi jirey Canab File, waxayna u heystay Todobo caruur ah, waxayna sidoo kale aheyd hooyo qoyskeeda u shaqeynaysay.
Qaar kamid ah ehelada Haweeneyda uu Gowrcay Maxamed Xaaji Cabdi Siyaad ayaa sheegay in aysan aqoonin sababta ka dambeysay arintaan,islamarkaana ay la fajac san yihiin waxa uu sameeyay aabaha qoyska.
Ciidamada maamulka Ahlusuna Waljameeaca ee Degmada Gurceel ayaa gacanta ku dhigay ninka xaaskiisa Gowracay.
Waana mid kamid ah dhacdooyinka ka dhaca Gobolada dalka Soomaliya.
PUNTLAND POST