Golaha Guurtida Maamulka Somali-land oo kulan ku yeeshay Magaalada Hargeysa ayaa isku raacay in muddo kordhin loo sameeyo waqtiga ay dhacaysa doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Somali-land.
Muddo kordhinta ay sameeyeen Golaha Guurtida Somaliland ayaa ah Sideed Bilood (8), waxaa soo jeediyay guddi loo xilsaaray arintaas.
Hore ayaa waxay xisbiyada Somaliland ugu heshiiyeen in xukuumada Somaliland loo kordhiyo muddo dhan lix bilood.
Muddo kordhintan ay sameeyeen golaha Guurtida Somaliland ayaa imanaysa xili madaxwayne Siilaanyo dalka dibada kaga maqanyahay, waana muddo kordhintii labaad ee loo sameeyo Xukuumada Siilaanyo.
PUNTLAND POST