Xasan Cali Kheyre:-“48-dii saac ee la soo dhaafay 110 ruux ayaa u dhimatay Abaarta”

Ra’iisul wasaaraha Cusub ee Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la kulmay Guddiga Gurmadka Abaaraha qaranka .

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan waxba kala hari doonin dadkaasi abaartu haleeshay, haday noqoto gargaarka biyaha, saadka dadka iyo xoolaha wixii awoodooda ah, guddiguna ay dedaalkooda sii kordhin doonaan mar walbana uu ku dabajoogi doono sida ay wax u socdaan si dadka iyo duunyadaba loo badbaadiyo ilaahay ayaa wax badbaadin karee.

“Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxa maanta looga fadhiyaa in ay badbaadiyaan walaalahooda dibaateysan oo haddii aan wax lala gaarin gaajo u dhiman doona; Waxay noqon doontaa howsha Xukuumaddu maalmaha soo socda mid ku wajahan abaaraha oo kaliya”ayuu yiri R/Wasaare Xasan Khayre.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tilmaamay in 48dii saac ee la soo dhaafay ay ku dhinteen qaar kamid ah gobollada Koonfureed gaar ahaan gobolka Bay dad tiradoodu gaareyso 110 ruux oo saameeyeen abaaraha iyo cudurka Shuban Biyood halkaasi ka dilaacay, isagoona xusay in xiligan loo baahan yahay iskaashi buuxa iyo wada shaqayn dhex marta Shacabka iyo Dawladda si wadajir loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee dhiban.

Abaarta ka jirta dalka Soomaliya ayaa haatan gaartay meeshii ugu darneed meelaha qaar ayaa laga soo sheegayaa in dadka ay u dhinteen biyo la’aan.

PUNTLAND POST