311 Askari oo ka mid noqonaya Ciidamada Badda Puntland oo Tababar loo soo xiray

Bosaso-[Puntland Post] In ka badan 300 Askari oo qayb ka noqon doona ciidamada Badda Puntland ayaa tababar lagu soo xiray magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka Baari.

Ciidamadan uu tababarku u dhamaday ayaa iskugu jiray ciidamada komandosta oo loo Yaqaano [Special foce] Ciidanka Badda [ABS] iyo Ciidanka Bariga Sadeexad waxana cutab kasta la baray xirfad uu ku shaqan doono.

Waxana ka qab galay Xubno ka tirasan Golaha Wasiiradda Puntland ,Maamulka Gobalka Bari, Duqa Degmada Boosaaso, Agaasimaha Ciidamada Badda Puntland Sarakiil ka socota Dawlada Imaraadka Carabta ,Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland, iyo marti sharaf kale.

Madaxa tababarada ee Ciidanka Badda Puntland Mohamed Suleyman oo ugu horayn munasabada ka hadlay ayaa sheegay in xiligan ay ciidamadani ay yihii kuwo diyaar ah isla markaana gudan kara waajibadka shaqo ee ka saaran Ciidooda iyo dadkooda.

”Wuxuu sheegay in tababarku uu socday muddo 5 bilood ah, oo ay tababareen ciidamo ka badan 300 qof, kuwasoo si rasmi ah ugu biiray ciidamadda PMPF.

Taliyaha ciidamadda Badda Puntland Admiral Cabdirisaaq Diiriya Faarax oo munaasabadda ka hadlay ayaa mahad u celiyey Dawlada Imaaradka Carabta doorka wanagsan ee ay ka ciyaarayso soo sarka ciidan tayaysan oo ay leedahay Dawlada Puntland.

‘’dowladda walaalaheen ah oo iyagu Mashruucan tabababarka ciidanka Badda Puntland samaysa dhaqaale aqoon iyo juhdi faro badana ay ku bixiyeen waa guul u soo hoya tay Puntland.

Agaasimaha Ciidamada Badda C/raxmaan Xaaji Xasan ayaa dhiniciisa wuxuu sheegay in ciidamada cusub ay si rasmi ah uga mid noqdeen ciidamada Badda Puntland, wuxuuna kula dardaarmay inay dalkooda iyo dadkooda ka difaacaan cadowga.

Gudoomiyaha Gobalka Bari Dr,Yuuusf Maxamed Wacas[ Dhado] ayaa sheegay in ay tahay Maalin farxad leh madama 300 Askari in kabadan ay dhamaysten tababar mudo u socday waxana uu ciidamaad kula dar daarmay in ay meel uga soo wada jeesatan Cadowga Puntland.

Dr C/raxmaan Jaamac  Kulmiye Wasiiru- Dowlaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland ayaa u hambalyeeyay ciidamada cusub ee tababarka dhamaystay, wuxuuna sheegay inuu ciidamada ay ka caawin doonaan wasaaradda ilaalinta xeebaha iyo khayraadka Puntland oo xiligan Jiriif Ba an uu ka jiro.

Inta ay munasabada socotay ayaa waxa ay ciidamadu ku soo bandhigeen dhoola tusyo ay ku muujinayaan waxa yabaha ay barteen mudadii ay tababarka ay ku jireen iyadoona qaar kamid ah ciidamad la gudoon siiyey Abaal marino kala duwan oo loogu tala galay.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST