Wararka haatan naga soo gaaraya Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in goordhaweyd agagaarka Xarunta UNICEF uu ka dhacay qarax xoogan.
Qaraxa ayaa la xaqiijiyay in uu ku xirnaa gaari uu watay mid kamid ah Ganacsatada Soomaliyeed, oo isla durbadiiba halkaas ku geeriyooday.
Ma cadda qofka saarnaa gaariga iyo halka uu u shaqeynayay, hase ahaatee waxaa lagu soo waramayaa in gaariga uu bur bur xooggan soo gaaray.
Ciidamada ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa goobta gaaray, kuwaas oo wada baaritaano la xiriira qaraxan ka dhacay Degmada Waabari.
Xasan maxamed Samater(Cowke)
Puntland Post, Muqdisho