Madaxweynaha Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa u jawaabay qaar kamid ah siyaasiyiinta reer Puntland oo xukuumadiisa ku dhaliilay in ay dib u dhac u keentay shacabka reer Puntland.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in siyaasiyiinta maamulkiisa dhaleeceynta u jeedinayo ay kamid yihiin siyaasiin horay madax uga soo noqday Puntland.
“Nimanka hadlay uu kamid yahay Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole aniga ayaa ku daray xubnaha Aqalka sare ee dalka si uu ugu odayeeyo shacabka reer Puntland, Faroole wuu ka warqabaa sida ay Puntlnd aheyd markaan hogaankeeda qabanayay, sidoo kale Shire asagoo ah wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa noqday madaxweynaha ma jirin wax mushaar ah oo la bixin jirey,waxaan ku baaqayaa in fowdada Puntland laga joojiyo”, ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Siyaasiyiinta Puntland ayaa dhawaanahaan dhaleeceyn u jeedinayay xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Gaas.
Hoos ka dhageeyso Codka Madaxweyne Gaas.
PUNTLAND POST