Dab Xoogan oo Waabarigii saakay ka kacay Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho

Wararka ka imaanaya suuqa-weyn ee bakaaraha ee Muqdisho ayaa ku waramaya in dab xoogan uu ka kacay suuqaasi.

Dabka oo ah mid aad u xoogan ayaa ku fidaya meelo badan oo suuqa.

Dabka ayaa Biloowday sagaalkii saac ee habeenimo waxaana uu ku fiday meelo badan oo suuqa bakaaraha kamid ah.

Bacadlayaasha, Maacuunta iyo halka lagu gado daawo Soomaaliga ee Gudaha suuqa bakaaraha ayaa dabku uu bur buriyay.

dadka muqdisho ayaa badi saakay ku qulqulaya suuqa kuwaa oo doonaya in hantidooda ay bad baadsadaan.

Dhinaca kale waxaa suuqa. gaaraya booyado dabdemis ah.

Waa Dabkii labaad oo muddo labo bilood gudaheeda ka kacyo Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

Faah Faahinta dabka dib kala soco Insha allah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho