Ciidamada amaanka Dowlada Soomaliya ayaa Magaalada Muqdisho ku qabtay haweeneey u dhaxday Sarkaal ajnabi ah oo Katirsan Al-Shabaab.
Leyla Cumar Baaruud oo uu qabay Nin u dhashay Dalka Itoobiya oo kamid ah Saraakiisha Al-Shabaab ayeey Ciidamada amaanku ku soo bandhigeen Xabsiga Dhexe ee Ciidamada NISA ee Muqdisho.
Leyla ayaa wareeysi la la yeeshay ku sheegtay in ay Al-Shabaab iyana u qaabilsaneeyd dhanka iyo tashkiilinta dadka.
NISA ayaa haweeneeydaan ku raadjoogtay muddo 5 bilood ah ugu dambeeyntiina haweeneeydaan ay soo qabteen xili ay ku sugneeyd afaafka hore ee hooygeeda oo ku yaala Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho