Ra’iisul wasaaraha cusub oo ku dhawaaqay in uu soo magacaabi doono Gole wasiiro oo Tayo leh

Ra’isul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa goordhow ka hadlay Xilka uu saakay u magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in uu uga mahad cilinayo Madaxweyne Farmaajo xilkaasi uu u magacaabay

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in markii ay Xildhibaanada Baarlamanaaka ay ansixiyaan uu soo magacaabi doono Gole wasiiro oo tayo leh.

Waxaana uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu la shaqeeyn doono dalkana ay gaarsiin doonaan heer wanaagsan oo ay dadku ku qancaan.

Hoos ka daawo Video-ka.

Xasan Maxamed samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho