Raysal wasaaraha Ethopia Hailemariam Desalegn oo soo gaaray Muqdisho

Wafddi uu Hogaaminaayo Raysal wasaaraha dalka Ethopia Hailemariam Desalegn ayaa goordhaweyd soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo caleema-saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi maxamed Farmaajo.

Wafdiga ka socda dalka Ethopia waxaa Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya uu ugu horeeyo Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo.

Maalmihii dambe waxaa la isla dhexmarayay In uusan Raysal wasaaraha dalka Ethopia Hailemariam Desalegn kasoo qeyb gali doonin xafladda caleema-saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi maxamed Farmaajo.

Xasan Maxamed Sameter(Cowke)

Puntland Post Muqdisho