Wafuud ka qeyb-galeysa caleemasaarka madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho soo garaya

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho waaxa  laga dareemayaa Mashquul aad xoogan badan iyadoo saacadaha nagu soo aadan ay kusoo wajahan yihiin Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamul goboleeyada iyo wafuud caalami ah.

Garoonka waxaa haatan ku sugan mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda federaalka Soomaliya kuwaasi oo sugaya Madaxweynayaasha Maamul Goboleeyad Koonfur Galbed Soomaliya iyo Puntland oo ka qeyb galaya Caleema-sarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo dhacaya maalinta bari ah.

Sidoo kale Waxaa isna garoonka goordhow ka soo Dagay madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe Sh.Maxamed Shaakir Cali Xasan .

Dhanka kale Garoonka diyaaradaha waxaa lagu soo dhaweynayaan saacadaha soo socda diblumaasiyiin shisheeye oo lagu casuumay Caleema-saarka Madaxweynaha Soomaliya.

Diplumaasiyiinta lagu soo dhaweynaayo Garoonka Aadan cadde ayaa waxaa ku jira Safiiro dhowr ah oo ka howlgala magaalada Nairobi, kuwaa oo casuumaad ka helay Madaxweynaha.

Sidoo kale, Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo degi doona Madaxweynayaal, Ra’isul wasaarayaal iyo Wasiiro xilal ka haya Dowladaha africa kuwaa oo casuumaad ka helay Madaxweyne Farmaajo.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho