Waxaa Xalay qasriga Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho kulan uu ku dhexmaray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Axmed Madoobe ayaa shalay Muqdisho u soo gaaray in uu ka qeybgalo Caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo 22-ka Bishaan ka dhaceeysa Muqdisho.
Kulankaan oo ahaa mid saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arimo la xariira wada shaqeeyn dhexmarta dowlada dhexe iyo Masuul Jubband.

Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho