Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi maxamed (Farmaajo) oo xalay booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay Xaafadda Kaawo Godey ee degmada Wadajir ayaa sheegay in dowladda Soomaliya ay u fidin doonto gar-gaar dhanka dibada ah dadka aan dalka Gudihiisa waxa loogu qaban Karin.
Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Cadowga Umada Soomaliyeed ee Al-shaabaab weerarkii shalay ay fuliyeen uu ka turjumaya bahalnimadooda,wuxuu ugu baaqay Ciidamada kala duwan ee Dowladda Soomaliya iyo shacabka Soomaliyeed in ay u midoobaan dagaalka Al-shabaaab lagula jiro.
Dhanka kale madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Farmaajo, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay u midoobaan arrintaan qatarta nagu ah, waxa uu ballan-qaadey in dowladdiisa ay ku abaalmarin doonto qofkii soo sheega Gaari walxaha qarxa lagu sameynayo $100,000 (Boqol Kun oo Dollar), ciidammada Qalanka Sida ayuu sheegay in dhowaan ay qaadi doonaan tallaabooyin adag loo arrimahaasi looga jawaabayo.
“Qod walba oo dowladda kusoo wargaliya waxyaabaha qatarta ku ah shacabka iyo dowladda, islamarkaana lagu guuleysto soo qabashada qofkaas,dowladdda waxa ay ku abaalmarin doontaa 100,000 (Boqol Kun oo Dollar),”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed (Farmaajo).
PUNTLAND POST