Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa ku waramaya in ciidamada amaanka maamulkaas ay xabsiga dhigeen Milkiilaha TV-ga Universal Axmed Abuukar oo howlo shaqo u joogay Magaaladaas.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Milkiilaha uu haatan ku xiran yahay Saldhiga Booliska Magalada Haregaysa ee Caasimada Somaliland, islamarkaana halkaas su’aalo lagu weydinaayo.
Maamulka Somaliland ayaa sii kordhinaya beegsiga lagu hayo warbaahinta Madax Banaan, dhawan waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Hargeysa lagu xiray Wariye C/maalik Muuse Coldoon oo dhankiisa lagu eedeeyay in uu taageero u yahay Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.
PUNTLAND POST