Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ka dhacay kulan dhexmaray Madaxweynaha dooran ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh.
kulankaani ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya.
kulankaan oo warbaahintu ay dibada ka joogtay ayaa waxaa looga hadlay arimo kala duwan oo ay kamid tahay xaflada xil wareejinta.
Waa Kulankii ugu horeeyay oo ka fool ka fool ah oo dhexmara Madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho