Waxaa iminka socota tirinta codadka 2-aad ee Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.
Musharixiinta kala ah Xasan Sheekh Maxamuud, Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo iyo Sh.Shariif Sh.Axmed
Hadaba Aqristayaasheena Sharafta Lahoow waxaan halkaan idin kugu soo gudbineeynaa inta cod ay ku noqon karaa mudanayaashaasi madaxweynaha Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo heysta hadda 88 cad ayaa u baahan oo kale 77 Cod.
Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo isugu hadda heeysta codad gaaraya 72 cod ayaa u baahan codad gaaraya 93 Xildhibaan si uu u noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.
Musharaxa ugu dambeeya waaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadda heeysta 49 Cod waxa uu u baahanyahay in uu helo Codadka Xildhibanaada 116-Xildhibaan si markale uu xilkaasi ugu guuleysto.
Doorashadaan ayaan la saadaalin karin iyada oo wax walbana ay isbadali karaan.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho