Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goordhow dib uga laabtay Xarunta Afisyooni oo ay ka socoto Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Xildhibaanadan oo ka badan 10 Xildhibaan ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay kula dhaqaaqeen falal ka baxsan xasaanada Xildhibaanada.
Xildhibaanada ayaa sheegay in ay ku xad gudbeen Ciidamada AMISOM islamarkaasina ay go’aansadeen in ay dib uga laabtaan.
Waxaa hadda soconayo dadaalo la doonayo in dib loogu ciliyo Xildhibaanada hoolka Baarlamaanka oo ay doorashada ka socoto.
Wali si rasmi ah uma bilaaban Doorashada waxaana soo xaadiray iminka inta badan Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho