Musharixiin Isbaheeystay xili maalin qura ay naga xigto Doorashada Madaxweynaha

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka soconayo abaabul siyaasadeed oo ay wadaan Musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Hoteelada ku yaala magaalada Muqdisho ayaa ah Mashquul xalay ilaa iyo saakay waxaana ka soconaya Kulamo u soconayo Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Musharixiinta si ay codka u siiyaan.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleeyso warbaahinta PUNTLAND POST Xafiiskeeda Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in inta badan Musharixiinta ay gaareen heshiis ku aadan in ay midoobaan.

Musharixiinta ayaa ku heshiiyay in ay codka siiyaan musharixii kamid ah ee ugu cod bata iyaga oo ku heshiiyay in ay xubno ka helaan dowlada uu soo dhisayo Madaxweynahaasi.

Diyaargaroowgii ugu dambeeyay ee doorashada Madaxweynaha ayaa laga dareemayaa Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya Maalinta bari ahna waxaa Muqdisho ka dhacaya Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho