Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

Allaha u naxariistee waxaa magaalada  Cape Town ee dalka Koonfur Afrika lagu dilay labo wiil oo dhalinyaro Soomaliyeed ahaa kana mid ahaa Ganacsadatada Magaaladaas.

Mahad Salaad Iyo Muxuyadiin Geedi Cali oo kamid ahaa Ganacsatada Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa lagu dilay goobahooda ganacsi oo ku yaala magaaladaas, waxaa dilkooda ka dambeeyay kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah.

Jaaliyadda Soomaliyeed ee Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa xaqiijisay dilka Dhalinyaradaan Soomaliyeed, waxayna sheegtay in laamaha amaanka ay ku raadjoogaan ragii ka dambeeyay dilka.

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa Magaalada Cepe town iyo Magaalooyinka kale kusoo badanayay dilalka loo Geysto Soomalida halkaas ku dhaqan oo inta badan lagu eedeeyo in ay la wareegeen Ganacsiyada waa weyn.

PUNTLAND POST