Gudoomiye Ku-xigeenka Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha oo is casilay

Warar lagu kalsoonan karo oo ay halayso Warbaahinta PUNTLAND POST Xafiiskeeda Muqdisho ayaa xaqiijinaya  in uu is casilay C/laahi Shiikh Ismaaciil Fartaag oo ahaa Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga qaban qaabada Doorashada madaxweynaha Cusub ee Soomaliya.

Sababaha uu isku casilay ayaa lagu sheegay in uu eedeen kala kulmay qaar kamid ah Musharixiinta madaxweynaha Soomaliya, oo isaga ku eedeeyay in uu taageero weyn u yahay Musharax Xasan Shiikh Maxamuud, islamarkaana si cad warbaahinta ugu sheegay.

C/laahi Shiikh Ismaaciil Fartaag ayaa dhawaan loo magacaabay xilka Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga qaban qaabada Doorashada madaxweynaha Cusub ee Soomaliya, kadib kulan ay yeesheen xubnaha Golaha shacabka iyo Aqalka sare ee dalka.

Laba Habeen ka hor ayuu Fartaag ka soo muuqday Munaasabad lagu taageerayay Xasan Sheekh Maxamuud oo ka dhacday Muqdisho waxaana uu sheegay in uu codka ugu shubi doono Xasan Sheekh.

Fartaag ayaa waxa uu ahaa Madaxweyne ku xigeenkii Jubbaland inkastoo markii dambe xilka laga qaaday.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho