Muqdisho oo Bandoow noqoneyso muddo ku dhow 10- Bari

Ciidamada amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa xalay sii xiray Wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ciidamada ayaa la dhigay wadooyinka Muqdisho sida Maka Al-Mukarama , Wadnaha wadada Sodonka iyo Warshadaha ee Muqdisho.

Gaadiid cod baahiyaal ay ku xiranyihiin ayaa dadka loogu sheegayay in la xari doono dhamaan isku socodka dadka iyo gaadiidka.

8 Febuary ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Dadka Muqdisho ayaa saameeyn xoogan waxaa ku yeelatay xirnaanshiyaha wadooyinka Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho