Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa ugu baaqday Madaxweynaha Cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump in uu dib uga laabto go’aankii uu ka soo saaray Qaxootiga Mareykanka ku sugan oo Soomalida ay kamid yihiin.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda FederaalkaSomaliya Mudane C/salaan Hadliye Cumar, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ka xun yihiin ka dowlad ahaan go’aanka Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, isagoo intaa ku daray in go’aankani ay ka wada xumaatay Soomaali oo dhami.
Sidoo kale Wasiirka Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Somaliya hadliye, ayaa hoosta ka xariiqay in go’aanka uu saxiixay Donald Trump uu ku soo beegmayo, iyadoo shacbiga Somaliyeed ay dagaal adag kula jiraan kooxaha argagixisada.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda FederaalkaSomaliya Mudane C/salaan Hadliye Cumar, ayaa waxa laga xumaado ku tilmaamay in bulshada Soomaliyeed ee Mareykanka ku nool in la fuquuqo islamarkaana la yiraahdo dalka waad ka baxaysaan.
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump , ayaa wuxuu Jimcihii qalinka ku duugay qaraar qeexaya inaanay Mareykanka imaan karin dadka u dhashay 7 wadan, oo Somaliya ay ku jirto.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho