Cali Maxamed Geedi oo ka mid ahaa Musharaxiintii u taagnaa xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay xilkaas.
Ka dib Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa Cali Maxamed Geedi waxaa uu sheegay in uu joojiyay hankiisii ahaa in uu ka mid noqdo Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya.
Cali Maxamed Geedi ayaa noqonaya Musharaxii ugu horeeyay ee ku dhawaaqa in uu ka tanaasulay hankiisii ahaa in uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.
Doorashada Soomaaliya ayaa sanadkan ah mid aad u adag , waxaana ku loomaya Musharaxiin ku dhow ilaa 30.
Doorashada ayaa dhaceysa 8 Bisha soo socota ee Feebaraayo.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post, Muqdisho