Musharax Shariif Sh. Axmed oo noqday Musharixii ugu Horeeyay ee isdiiwaangaliya

Musharax Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa noqday Musharixii ugu horeeyay ee is diiwaangaliyay xili maanta ay bilaabatay diiwaangalinta musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Sheekh shariif ayaa Guddiga doorashada Madaxweynaha maanta ugu tagay xafiiskooda oo ku yaala xarunta Vila Hargeysa oo Baarlamaanku ay arimaha qaaska ah ku qabsadaan.

Shariif Sheekh Axmed ayaa la xasuustaa in sanadkii 2012-ka Xiligaasi uu markale isku soo sharaxay xilka madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa kamid ahaa dadkii ugu dambeeyay ee is diiwaangaliyay.

Musharixiin badan ayaa xusul duub uga jira in ay ku guuleeystaan jagada Madaxtinimo ee Soomaaliya oo dhaceysa 08 Bisha soo socota ee Febuary.

Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho