Gudoomiye ay xirtay Somaliand oo ku geeriyoday Xabsiga Hargeysa

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliand ayaa waxa ay sheegayaan in Gudoomiyihii Sariflayaasha Hargeysa uu goordhow ku geeriyooday gudaha Xabsiga Hargeysa.

Guddoomiyihii sariflayaasha Hargeysa ayaa shalay lagu xidhay xabsiga dhexe ee Hargeysa ayaa saaka geeriyooday

Cabdullaahi Cali Barre oo aan ila hadda la caddaynin sababta geeridiisa waxa loo xidhay arrinta sicir bararka sarifka oo isaga iyo sariflayaal kale ka soo horjeesteen go’aanka xukuumadda ay gaartay.

Geeridiisa ayaa la xaqeejiyay goordhow waxaan goordhow lagu wadaa in lagu Aaso hudaha magaalada Hargeysa.

Lama oga sababta uu u dhintay Hayeeshee geeridiisa ayaa goordhow waxaa xaqeejiyay qaar kamid ah eheladiisa.

Wixii ku Soo kordha dib kala soco Insha allah .

PUNTLAND POST