Madaxweynihii hore Iran oo geeriyooday

Waxaa goordhaweyd la xaqiijiyay in uu geeriyooday Madaxweynihii Hore ee dalka Iran Akbar Hashemi Rafsanjani kadib markii uu mudooyinkii dambe uu isbitaal la jiifay xanuun ka hayay dhanka wadanaha.

Tv-ga Qaranka Iran ayaa Xaqiijiyay in dhimashada Madaweynihii hore ee dalka Iran Akbar Hashemi Rafsanjani, wuxuuna ku dhintay da’da 82-sano jirka.

Akbar Hashemi Rafsanjani ayaa Madaxweyne kasoo Noqday dalka Iran 1989 ilaa 1997 waxa uu ku jiray maalmihii dambe isbitaal ku yaala Magaalada Tehran ee Caasimada Dalkaasi Iran.

Qaar Kamid ah madaxda Caalamka ayaa ka tacsiyeeyay geeridaasi sida uu baahiyay Tv-ga Qaranka ee dalkaasi Iran.

Puntland Post