Ciidamada NISA oo qabtay Mooto Qarax siday

Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed ee (NISA) ayaa gacanta ku dhigay Mooto nooceeda uu yahay dhugdhugley oo ay saarnaayeen walxaha qarxa xili ay maraysay gudaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Cumar Maxamuud Cilmui(Carabey) Gudoomiye ku-xigeenka dhanka Amniga iyo siyaasadda Gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada NISA iyo kuwa Maamulka Degmada Afgooye oo iskaashanaya ay gacanta ku dhigeen Mootoda, wuxuu xaqiijiyay in mootada ay saarnaayeen 3-ruux oo walxaha qarxa siday.

“Ciidamada amaanka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelah hoose ayaa qabtay Mooto nooceedu uu yahay dhugdhugleey,  waxa saarnaa 3-ruux, qaraxyada waxaa laga soo xir-xiray jaakad waxaa la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaliyeed ,shabaab ayaa loo waday” ayuu yiri Carabey.

Sidoo kale  Cumar Maxamuud Cilmui(Carabey)  waxa uu sheegay in baaritaano haatan lagu hayo ragga la qabtay islamarkaana saxaafadda ay la waadagi doonaan dhawaan, wuxuu u mahadceliyay laamaha amaanka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho