Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa soo gudbiyay Mooshin xilka qaadis ah oo ka dhan madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi kariin Xuseen Guuleed.
Mudanayaashan ayaa Warqad ay ku saxiixanyihiin qaar ka mid ah Xildhibaano Galmudug maanta ku soo bandhigay magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah maamulkaas.
Xildhibaanada ayaa Guuleed ku eedeeyay wax qabad la’aan iyo Musuq maasuq uu ku sameeyay doorashadii Xildhibaanada ee dhowaan Cadaado lagu doortay.
Xildhibaanada qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in inta Madaxweyne Guuleed uu joogo Cadaado iyo inta uu ka maqanyahay ay badantahay inta uu ka maqanyahay.
Shalay Ciidamo katirsan kuwo Galmudug ayaa hor-istaag ku sameeyay oo joojiyay fadhi Baarlamaanka Galmudug ay ku lahaayeen magaalada Cadaado.
Faah Faahinta Kala soco Insha allah PUNTLAND POST
PUNTLAND POST