Madaxweynaha Galmudug oo Joojiyay Dhamaan Howlihii Maamulkaasi

Kadib Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug Cabdi Kariin Xuseen ayaa lagu sheegay in la hakiyay dhamaan howlihii maamulkaasi.

Digreetada ayaa lagu sheegay in la joojiyay dhamaan Ha’adaha kala duwan ee maamulkaasi shaqooyinkoodii waxaana lagu sababeeyay howlaha doorashooyinka Qaran ee xiligaan dalka ka socdo.

Dad badan ayaa arintaan ku sifeeyay in ay tahay in Madaxweyne Guuleed uu joojiyo Baarlamaanka maamulkaasi oo dhowaan soo gudbiyay mooshin ka dhan madaxda sare ee Galmudug.

halkan-ku-dhufo-oo-akhriso

PUNTLAND POST