Fowsiyo Xaaji Aadan oo kamid noqotay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo horey usoo noqotay Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaliya ayaa kamid noqotay Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaliya ee ka imaanaya Gobolada Woqooyi ee Maamulka Somaliland.

Xildhibaanad Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ka guuleysatay xubnaha kala ah  Caasho Aadan Yuusf, ismaaciil Xasan Jaamac, Qaasim Ismaaciil Axmed, oo dhamaanba kuwada tartamayay Kursiga Habar Yoonis, Cabdala ismaaciil, waxayna heshay 45-cod.

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa u mahad celisay Ergadii dooratay, maadaada ay u doorteen Xildhibaan cusub

PUNTLAND POST