Askari ka Tirsan Ciidamada Dowladda Soomaliya ayaa goordhaweyd toogasho ku dilay Taliye ku-xigeenka Ciidamada ilaalada xarunta Madaxtooyada Soomaliya oo lagu magacaabi jirey Jeneraal Qoor-gaab isagoo sidoo kale dhaawacay askari kale.
Falkaan ayaa ka dhacay agagaarka xaruntada Madaxyootada Villa Soomaliya, wuxuuna askari uu rasaas ku furey Taliye ku-xigeenka Ciidamada ilaalada xarunta Madaxtooyada , iyo askarigii waardiyaha u ahaa, waxaana u suurta gashay in uu goobta isaga baxsado.
Laamaha amaanka dowladda Soomaliya oo aan la xiriirnay way ka gaabsadeen in ay ka hadlaan falkaan lagu khaarijiyay Taliye ku-xigeenka Ciidamada ilaalada xarunta Madaxtooyada Soomaliya.
PUNTLAND POST