Baarlamaanka oo ansaxiyey shuruudo laga doonayo murashaxiinta guddoonka labada Aqal iyo Madaxwyenaha

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya oo kulankooda labaad ee kalfadhiga 1-aad  maanta ku yeeshay xarunta Golaha shacabka ayaa ansixiyay lacagaha laga doonayo mushariixinta u taagan xilka Guddoonka Golaha shacabka, Aqalka Sare,  iyo Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya.

Kulanka ayaa waxaa si wada jir ah u shir Guddoominayay labada Guddoomiye ee KMG ah,waxaana soo xaadiray 247 Mudane oo kala ah 210 Golaha shacabka ee Soomaliya  iyo 37 xubnaha Aqalka Sare, amaanka ayaana si weyn loo adkeeyay.

Xildhibaanada labada Aqal ayaa go’aamiyay in musharaxiinta xilka madaxweynaha laga qaadi doono lacag dhan soddon kun oo dollar ($30,000), halka musharaxiinta guddoonka labada Aqal laga rabo shan iyo toban kun oo dollar ($15,000), halka musharixiinta ku-xigeenada guddoonka baarlamaanka laga rabo toban kun oo dollar(  $10, 000).

Dhanka kale  Xildhibaanada ayaa shaaciyey in xilliga doorashada guddoonka labada aqal iyo tan madaxweynaha ay soo saari doonaan guddiga baarlamaaniga ah ee golaha uu ku dhawaaqi doono.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale waxay isku raaceen in mudane kasta oo labada aqal ka tirsan uu u saxiixi karo ugu yeraan sadex musharax.

PUNTLAND POST