Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo wareysi siiyay laanta afka Soomaliga ee VOA-da ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan doorashada dalka Soomaliya, go’aankiii hogaamiyayaasha Madasha Wadatashiga qaran ay ugu kordhiyeen xubnaha Aqalka Sare oo hadana dib loogu laabtay.
Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa sheegay in go’aankii kasoo baxay Hogaamiyayaasha Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu kordhiyay xubnaha Aqalka Sare uu ahaa mid la isku af gartay, wuxuuna sheegay in madasha ay qabatay waxyaalo badan oo guulo ku dhamaaday intooda badan, islamarkaana go’aanka haatan lasoo saaray uu dhameystirkeeda u yaalo baarlamaanka Cusub ee Soomaliya ee dhawaan lagu dhaariyay Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh aadan oo la weydiiyay su’aal ku aadaneed in uu ka tanasulay musharaxnimadiisa madaxweynaha Soomaliya doorashada Soomaliya ka dhacaysa, ayaa sheegay in uu wali u taagan yahay xilka Madaxweynaha Soomaliya islamarkaana uu rajenayo In uu ku guuleysto.
Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh aadan Hogaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya, ayaa beeniyay in dowladda Ethopia ay ka dhaadhicisay in uu ka tanasulo musharaxnimadiisa Madaxweynaha Soomaliya kadib kulan seddex maalin qaatay oo ka dhacay magaalada Addis ababa ee Caasimada dalkaas.
PUNTLAND POST