Dagaal kooban oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa galabta ka dhacay gudaha iyo hareeraha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaal ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dhawaqada rasaasta culus laga maqlayay gudaha Degmada afgooye, goobihii ganacsiga iyo isku socodkii dadka iyo gaadiidka ayaa hakad galay.
Si dhab ah looma oga qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Al-shabaab oo dagaalka ka hadashay ayaa sheegtay in Ciidamadooda ay la wareegeen saacado kooban gudaha iyo hareeraha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, iyagoo qasaaro gaarsiiyay Ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya.
Dhanka kale xiriiro aynu la sameenay Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose inooma suurta galin in aan qadka taleefanka ku helno, si aan wax ugu weydiino dagaalka dhacay iyo la wareegitaanka shabaab.
PUNTLAND POST