Dowlada Soomaaliya oo Laga yaabo in ay markale Joojiso Qaadka Ka Yimaada Kenya

Warar lagu daabacay Warbaahinta kasoo baxda Kenya ayaa lagu sheegay In dowladda Federaalka Soomaliya ay ku dhow dahay In todobaadyada Soo socda  ay joojiso dhamaan qaadkii ka imaanay jirey dalkaas.

Sababaha ay dowladda Soomaliya u joojinayso qaadkii ka imaan jirey Kenya, ayaa lagu sheegay in dowladda wadankaas in ay jabisay heshiis lagu gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya 13-kii September kaasi oo dhigayay in dowladda Soomaliya ay dib u fasaxdo qadka ka imaan jirey kenya, taasi badalkeeda dowladda Kenya ay joojiso  baaritaanada garoonka Wajeer lagu mariyo diyaaradaha ka dhoofa Soomaaliya, gaar ahaan garoonka Aadan Cade.

Siddoo kale dowlad  Federaalka Soomaaliya ayaa hishiiska ku dalbatay dowlad Kenya in ay fududeyso dal ku galka Kenya oo dhibaato xoog leh ay ku qabaan shacabka Soomaaliyeed ee halkaas taga.
Dowlada Kenya ayaa sheegtay in mudo saddex bilood gudahooda ah ku dhaqan galin doonto fulinta labadan qodob hishiiska ku jira ee Magaalada Muqdihso lagu gaaray.

Balse todobaadkaan Warar lagu daabacay Warbaahinta Kenya ayaa lagu sheegay iyagoo soo xiganaya Mas’uuliyiin ka Tirsan dowladda Soomaliya in Soomaliya ay joojinayso qaadka, kadib markii Kenya ay  kasoo bixi weysay balanqaadyadii ay sameysay.

PUNTLAND POST