Ciidamada Dowlada oo isga Baxay Deegaan Muhiim ah Gobolka Hiiraan iyo Al-Shababa oo la wareegay

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay faarujiyeen degaanka Moqokori ee gobolkaasi.

Ciidanka dowladda ayaa shalay la wareegay degaanka Moqokori oo ay Al-Shabaab gacanta ku haayeen.

Gudoomiyaha degaanka Moqokori  Xasan Barre Makraan  ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay dib uga soo baxeen degaanka Moqokori.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay rajaynayaan in ay dib ugu laabtaan degaankaasi ,maalmaha soo socda.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa la sheegaya in ay dib ula wareegeen degaanka Moqokori.

PUNTLAND POST